(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Mr.RecepTayyip Erdogan Oo ah Ra’iisul wazaaraha Dowlada Turkiga ayaa sheegay in ay Dalka soomaaliya u Soo Dirayaan Ciidamo Turkisha Muslimiin ah Islamarkaana ay Badalayaan Ciidamada AMISOM Ee Hadada Ku sugan Dalka Soomaaliye
Rs’iisul Wazaaraha Turkiga ayaa sidoo Kale Sheegay in ay Wadahadal La Gali Doonaan Xarakada Al-shabaab Oo Haatan Dagaal Xoogan kula jira Ciidamada AMISOM Iyo Waliba Kuwa Dowlada TFG-da Soomaaliya Oo Uu Sheegay In ay Soo Afmeeridoonaan Dagaalada Ka Soconaya Guud ahaanba Dalka Soomaaliya
Sidoo Kale Mr.RecepTayyip Erdogan ayaa Carabka ku Dhuftay In haatanba Ay biloween Uruurinta Ciidamada loo Soo Daabulayo Dalka Soomaaliya iyo waliba Qalabkii ay ku howlgali lahaayeen Ciidaadasi Isagoona sheegay in Heshiiskaasi ay goor dhaweed ka saxiixdeen Dowlad Soomaaliya iyo waliba Dhamaan Beesha Caalamka Ee Ku Shaqada leh Dalka soomaaliya
Hadalkaani ka soo baxay Ra’iisul wazaaraha Turkiga ayaa ku soo aadeya Xilli Uu Dhawaan Soo Gaaray Dalka Soomaaliya Isagao oo Wata Ciidamo Turkisha ah Kuwaasi Uu Sheegay in ay sugayaan Amaankiisa Diidayna in ay Galbiyaan Ciidamada AMISOM Oo Uu Ku Sheegay In aysan Aheen Isku Dhaqan Iyo waliba Isku Diin
Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa Waxaa Galbinayeen Ciidamad Amisom markii uu Garoonka Ka soo Dagay Ra’iisulwazaaraha Turkiga Iyadoo uu madaxweyne shariif uu meeshii ka raacay Gaarig Loo Yaqaano Taangiga Ama Kaaraha Ra’iisul wazaaraha Turkigana ay meeshii ka galbiyeen Ciidamo Turkish Muslimiin ah
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





