M/weynaha cusub ee dalka Mareykanka oo wajahaya Mudaharaadyo isaga looga soo horjeedo.

0
571

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo doorashada Donald Trump loo doortay xilka madaxweyne ee Mareykanka ayaa ka dhacaya qeybo badan oo dalkaa ah.

Waxaa dadka mudaaharaadaya sheegayaan in ninkaasi uusan u qalmin inuu madaxweyne Mareykanka ka noqdo. Caasimado badan ayaa arinkaa dadku ka bannaan baxeen.

Ardayda gobolka Florida ayaa ka mid ah dadkii ugu horeeyay ee ka bannaanbaxa arinkaa ah doorashada la doortay Donadl Trump.

Dadkaa ayaa sheegaya in ninkaasi uu aflagaado iyo hadalo naceyb ah u soo jeediyay dadyow badan oo reer Mareykan ah sida Soomaalida, Muslimiinta guud ahaan, dadka madow, Laatiinos-ka iyo soo galootiga cusub oo dhan.

Donald Trump ayaa waxaa la filayaa inuu xilka xafiiska madaxweyne ee dalkaa la wareego bisha koowaad ee sanadka soo socda ee 2017.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak