Weriye Max’ud Carab Oo Lagu Wareejiyey Maxkamada Gobolka Ka Dib Markii Maxkamada Mun Gaab ay Ku Weysay Eedeymihii La Xiriiray Al Shabaab

0
690

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

 

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Uu Hor Boodo Mun Gaab ayaa Maanta Go’aamisay In Weriye Maxamud Maxamed Daahir Carab Oo Loo Haystay Dambi La Xiriira In ay Wada Shaqeyn Kala Dhaxeyso Xarakada Al; Shabaab Lagu wareejiyo Maxkamada Gobolka

Mun Gaab Iyo Maxkmadiisa ayaa wax dambi ah Ku Waayey Weriye Carab Oo In Ku Dhaw 3 Bilood Si Sharci Darro Isaga Xirnaa Dowladda Soomaaliya Iyo Shaqsiyaad ay Ka Mid Yihiin Weriye Ahna Sarkaal Ka Tirsan nabad Sugidda Dowladda C/Caziiz Maxamud Guuleed Afrika Iyo Abwaan Ahna Sarkaal Ka Tirsan Nabad Sugidda Dowladda Iyo Milkiilaha Radio Kulmis Qurmis Cusmaan C/laahi Guure

Weariye Maxamed Carab Oo Horey ay Maxkamada Mun Gaab Ugu eedeysay In Uu La Shaqeeyo Al Shabaab Isla Markaan Uu Dowladaada madaxdeeda Ku Dacaayadeeyo Webka warson ayaa Haatan Lagu Waayey Dambigaasi Waxaana Taasi Ka nacxay Dadkii Xirtay Oo aan kor Ku Soo Xusnay

Wararka qaar ayaa waxa ay Sheegayaan In ay Shaqsiyaadkaasi Dowladda Ka Dalbadeen In Loo Sii wareejiyo maxkamada Gobolka Si uu U Dheeraado Muddada Uu Xiran Yahay Is Daba Jiitinkaaninada Uu Ku Kaco Muddo Dhan 3 Bil Kale

Si Kastaba tani ayaa Muujinaysa In Maxkamada Dowladda ay Ka Beec Mushtaraan hadba Ruuxii ay U Arkaan In Uu Yahay Qof Ku Taagan Runta Oo Soo Bandhigaya fadeexadaha daahsoon oo ay Dowladda Ku hayaan Shacabka Iyo Koox Kasta Oo Ka Talinaysa Dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed

 

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com