AMISOM Iyo Dowlada TFG-da Oo go’aamiyay in Wax Gargaar Ah La geynin Goobaha Ay Maamulaan Xarakada Al-shabaab

0
534

 

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Taliska ciidanka AMISOM eek u sugan  magaalada Muqdisho ayaa go’aamiyay in aan wax gargaar ah lageyn degmooyin katirsan gobolka Sh/ hoose oo deris la ah Gobolka Banaadir.

Inkastoo aysan shacabka Muslimka wilaayaatka aysan baahi sidaasi ah u qabin Gargaar uga yimaad dhanka gaalada caalamka hadane bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray hay’ado Carbeed oo gargaar usoo dirayay shacabka Soomaliyeed ee Jiilaalsaday.

Hay’ado kheyri ah oo laga leeyahay Carabta iyo wadanka Turkiga ayaa maalmo kahor gargaar geeyay Xerada Weyn ee Aala Yaasir ee Gobolka Sh/Hoose maadaama halkaasi ay ku suganyihiin kumanaan Barakacayaal oo ay gacanta ku heyso xarakada Shabaabul Mujaahidiin Eek u sugan halkaasi.

Kadib Markii ay saraakiil ka socda hay’adaha gaareen Aalayaasir ayna arkeen nidaamka iyo kala dambeynta kajirta ayay go’aansadeen in wixii gargaar ah oo ay hayaan ay u wareejiyaan gobolada ay shabaabul Mujaahidiin Gacanta ku hayaan.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka AMISOM ayaa warkusoo saaray “Wax hay’ado carab ah garoonka Muqdisho gargaar kamasoo dejin karaan dhanka shabaabna uma gudbi karaan”.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com