(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Waxaa maanta Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir iskusoo dhiibay Ciidamo katirsanaa Dowlada TFG-da ah oo ka hoos shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaal;ada Muqdisho.
Ku Dhawaad 3 Askari oo watay gaari hub ka buuxo ayaa usoo galay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Madax katirsan Xarakada mujaahidiinta Sl-shabaab ayaa xaqiijiyay in Ciidamada watay gaadiid iyo hub ay dhankooda usoo galeen islamarkaana saacadaha soo socda loo soo bandhigi doono saxaafadda Iyaga Iyo Hubkooda Islamarkaana ay haataba ku Suganyiihin Goobaha ay Maamulaan Xarakada Shabaabul Mijaahidiin.
Ciidamada isisoo dhiibay ayaa ka sheeganayay nolol xumo iyo bahdil ay kala kulmeen ciidamada AMISOM, waxay ku dhawaaqi doonaan in ay Dhamaanba Dowlada TFG-da Mardambo Aysan Ku Laabandoonin.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





