Qoysas Ka Cararay Kaamka Bad-baado Oo Gaaray Xerada Aalayaasir Ee Sh/Hoose(Daawo Sawirada)

0
720

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Qoysas ka cararay dhibaatooyinka Ciidamada Dowlada TFG-da  ay ka geysanayaan Goobaha ay ka taliyaan ee magaalada  muqdisho ayaa maanta gaaray xerada wayn ee Aala yaasir oo ay ku jiraan kumanaan dad barakacayaal ah oo ay gacanta ku heyso xarakada mujaahidiinta  Al-shababul Islamarkaana ay Iyaga Amaankooda Sugayaan.

Xerada wayn ee Aala yasir Mas’uuliyiinta gacant ku heysa ayaa sheegay in maanta kaamkasi ay soo gaareen in ka badan 50 Qoys oo ka soo Gaaray xeryaha qaxootiga ay Dowlada TFG-da  ka taliyaan iyadoona halkasi maanta dib u dajin balaaran oo lagu sameyey,

Mas’uuliyinta ayaa sheegay in dadkasi durbadiiba la gudoonsiiyey raashiinkii ay cuni lahaayeen iyo sidoo kale guryo ay dagaan islamarkaana ay iminkaba La dhamayaan qoysaskii horey u degnaa halkaaii.


eng: Xuseen Aw gaab
oo ah mas’uulka gudiga gurmadka abaaraha wilaayada Gobolka Sh/hoose islamarkana ka mid ah mas’uuliyiinta gacanta ku heysa kaamkaasi ayaa sheegay in dadkaasi maanta si aad ah loogu soo dhaweyey kaamka Aal yasir oo ku dhawaad 10 kun oo qoys ay ku jiraan

 Sidoo Kale waxa uu  sheegay in ay dhibaatoyin kala duwan kula soo kulmeen intii ay ku sugnaayeen degmoyinka Ciidamada Dowlada TFG-da ay meelaha ay kaga sugan yihiin muqdisho islamarkaana ay u geesanjireen dhac iyo Kufis Iyadoo aan Jirin Wax Xukun ah Ama Hadal Ah Oo Ay ka Bixiyeen MAsuuliyiinta Dowlada TFG-da Soomaaliya,

Dadka maanta soo gaaray Aala yasir ayaa inta badan ka soo cararay Xerada badbaado oo Ay Ciidamo ka tirsan Dowlada TFG-da  ay dadka ku dhibaateyaan.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com