Gaalkacyo oo mar kale Dagaalo kasoo cusboonaadeen iyo xaalad cabsi laga dareemayo.

0
536

Dagaallo iyo duqeymo culus ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudud, kuwaasoo u dhexeeya ciidan ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Madaafiic kala duwan oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan ayaa ku dhacaya inta badan xaafadaha Gaalkacyo ay ka kooban tahay, kuwaasoo Dadweynihii ku noolaa ay horay uga barackeen.

Sidoo kale, dagaalka oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo ay jiraan Wada-hadallo hoose oo lagu Colaadda u dhexmaray Labadaan Maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo uu garwadeen ka yahay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Wariyaha WARSOM ee Gobolka Mudug, Abaadir C/qaadir Cilmi oo Haatan Garoowe ku sugan ayaa soo sheegaya in dagaalladu ay yihiin kuwo culus, Xaafadaha Gaalkacyana ay xilligan ku hoobanayaan madaafiic fara badan.

Maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa shalay beeniyay in heshiis dagaalladaan hakad lagu gelinayo ay dhex-dhigtay Xukuumadda Itoobiya, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ay warkaan ku shaacisay boggeeda Internet-ka.

Ugu dambeyn, Colaadda ka taagan Gaalkacyo ayaa soctay muddo ku dhaw laba toddobaad, iyadoo Hay’adda UNHCR ay sheegtay in colaadahaas ay ku barkaceen in ka badan konton kun oo qof.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak