Magaalada Beledweyne oo ay maanta gaareen wufuud uu horkacayo m/weynaha HIR-SHABELE.

0
520

Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Wafdi ballaaran oo uu Hor-kacayo madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Wafdiga Madaxweynaha Hir-shabeele, Waxaa ka mid Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed], Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoono, xildhibaan Samiiro Xssan C/lle, xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

Sidoo kale, Wafdigan Waxaa Qaybka ka ahaa Dr. Maxamed Cabdi Waare oo ah musharixii xilka kula Tartamay Madaxweynaha Hir-shabeelle, C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], taliyihii hore ee ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa ku sugan Xarunta Maamulka Hiiraan oo ay ka socdaan kulamo kala duwan, Waxaana la filayaa kulan gaar ah ay kula Qaataan Beledweyne, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn uga soo hor-jeeda Dhismaha Maamulka Hir-shabeelle.

Ugu dambeyn, Wararkii kasoo kordha socdaalka wafdiga iyo faahfaahintooda waxaad kula socon doontaan Wararka soo socda ee WARSOM, haddii ALLE ogolaado.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak