Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa goordhow si toos ah uga bilaabatay doorashada xubnaha aqalka sare kamid noqon doona, ayadoo ay ku tartamayaa ku dhawaad 17 musharax.
Xubnahan tartamaya ayaa waxaa u codeeynaya xildhibaannada baarlamanka Jubaland, waxaana goobta ku sugan xubno ka socda gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaalka iyo kan Jubaland, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, wasiirro ka socda dowladda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Doorashada ayaa ku bilaabatay in mid mid loogu codeeyo musharaxiinta ku tartameeysa kuraasta, waxaana marka ay doorashadu idlaato, la filayaa in lasoo gudbiyo xubnaha ku guuleystay.
warsom2011@gmail.com








