Ciidanka Nabad-sugidda DF Somalia ayaa Xabsiga dhigay Wariyihii Telefishinka Al-jazeera, Xamza Maxamed, waxaana xalay xabsiga laga sii daayay Agaasimihii Wargeyska Xog-ogaal Cabdi Aadan Guuleed oo saddex maalmood u xirnaa Dowladda Soomaaliya.
Xaruntii Wargeyska Xog-ogaal oo la xiray ayaa la sheegay in iyadana dib loo furayo maanta, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta wargeyska iyo madaxda ururka warbaahinta Soomaalida.
Sidoo kale, Xalay ayay Ciidamada Amniga Somalia Soomaaliya waxay xabsi u taxaabeen wariyihii TV-ga Al-jazeera, Qaybtiisa Afka Ingiriiska iyo Saddex suxufi oo kale oo la shaqeynaysay.
Ugu dambeyn, Lama oga sababta loo xiray wariyaasha TV-ga Al-jazeera ee lagu xiray Muqdisho, balse warar ayaa sheegaya in tuhunno jira awgood loo xabsiga loogu taxaabay wariye Xamza Maxamed.
warsom2011@gmail.com








