(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Maamuulka gobolada Jubbooyinka ayaa dib udhis ku sameysay Buunadada deegaanka Wirkooley oo muddo ka badan 20-sano aan la isticmaalin.
Lacago Aad u Badan ayaa ku baxday dhismaha buundadan muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha, Ganacsiga iyo Beeraha dalka Soomaaliya iyo waliba wax waliba Oo Ay U isticmaalaan dadweynaha.
Munaasabad ballaaran oo lagu furayay Buundada Wirkooley oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Maamulada Gobolada jobooyinka ayaa maanta ka dhacday isla deegaanka Wirkoooley, Mamulka Jubbooyinka
Sheekh Abuukar Cali Aaden
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Kumanaan dollar ku bixisay dhismaha buundadaasi muhiimka ah iyadoo kaashanaysa ganacsatada Jubbada Hoose Iyo waliba Shirkada Ka howlgalay Gobolkaaasi.
Buundadan waxaa loogu magac daray Halyeygii Islaamka Salaaxudiin Al-ayuubi waxaana labedelay magaca Nin gaal talyaani ah oo horay u dhisay buundada.
Arrintani waxay qeyb ka tahay wax uqabadka shacabka soomaaliyeed dhan walba kahor marinayso Iyo waliba Amaankooda ay Sugayaan Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab.W/D
:Axmed Cabdi Axmed (Axmed Saacid)






