(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Ka Dib maalinkii shalay iska hor imaad kooban uu xaafada Biyo kulule ee magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada dowlada iyo Mileeshiyo beeleed Aagaasi ku sugan , ayaa waxaa saaka goobihii ay shalay wax ka dheceen ku baxay , qaar kamid ah Isimada , iyo Nabadoonada gobolka Bari Oo U Aaday Si ay U Dhex Dhigaan Xabad Joojin Iyo Nabadeen
Nabadoon Cabdi qaadir Axmed Ibraahim (Xarago) Oo Ah Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari oo isagu qayb ka ahaa Nabdoonadii goobtaasi tegey ayaaWarbaahinta u xaqiijiyey inay ku guuleysteen furidda wadooyin shalay la xiray , islamarkaana isu socodka Gaadiidka iyo dadku uu yahay xiligan mid Sidii Horey Dib Ugu soo laabtay Haatana ay tahay mid dagan
Talaabadan ay Isimada iyo Nabadoonada gobolka Bari ku fureen qaar kamid ah Wadooyinka xaafada Biyo kulule oo ilaa shalay xirnaa ayaa ah mid aad ay usoo dhoweeyeen dhamaan dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso islamarkaana sheegeen in ay ku faraxsanyihiin wadooyinkaasi lo furay
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





