Puntland: Dagaalka Gaalkacyo waxaa iska kaashadey Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (War-Murtiyeed)

0
668

Dowlada Puntland ayaa ku eedaysay  dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug  oo iskaashanaya dagaaladii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay magaaladda Galkacayo maalmihii la soo dhaafay.

War-murtiyeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda Puntland ayaaa lagu sheegay in dowladda Puntland  ay cadaynayso in maalmihii la soo dhaafay Hub iyo rasaas tiro badani ay ka degayeen garoomadda Magaaladda Cadaad iyo koonfurta Galkacayo, hubkaas ay leeyihiin Ciidmadda Federaalka Soomaaliya , kuwasoo ka kooban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaasi oo loo adeegsanayo weerarada daandaansiga ah ee lagu soo qaadayo Puntland.

Madaxtooyada Dowladda Puntland

War murtiyeed:

Dawladda Puntland waxay dhaleecaynaysaa weerarradii isdaba joogga ahaa ee maamulka Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo is kaashanaya ay kusoo qaadayeen magaalada Gaalkacyo maalmihii udanbeeyey.

Waxay ahayd 9-kii bisha October 2016-ka markii hoggaamiyaha maamulka Galmudug qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu caddeeyey in magaalada Gaalkacyo ay hoos imaan doonto maamulkiisa, kadibna 10-kii bisha October 2016-ka ay maleeshiyada maamulka Galmudug oo taageero ka heleya xooggaga ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya (SNA) ay weerarro kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo.

Weeraradaas gardarrada ah ee ay kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay u adeegsadeen hubka culus ee lidka diyaaradaha, qoryaha darandoorriga u dhaca iyo madaafiic kala duwan, isla mar ahaantaana ay ku garaacayeen woqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku waxyeelleeyeen dad shacab ah kuna burburiyeen dhismeyaal.

Dawladda Puntland waxa ay Weerarradaas isdaba joogga ah ee maamulka Galmudug iyo xulafadiisu ay kusoo qaadayaan magaalada Gaalkacyo u aragtaa arrin lagu khal-khal gelinayo nabadgelyada gobolka, isla markaana lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashooyinka dadban ee 2016-ka.

Haddaba dawladda Puntland iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana ilaalinaysa ammaanka gobolka iyo xuquuqda Shacabkeeda waxay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid walba oo kusoo xadgudubta xuduudeheeda, sidoo kale dawladda Puntland waxay soo dhoweyneysaa wax walba oo loogu heli karo nabad iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in maalmihii lasoo dhaafay ay hub iyo rasaas tiro badani ka degeyeen garoomada magaalada Cadaado iyo koonfurta Gaalkacyo, hubkaas oo sida ay dawladda Puntland ku hayso caddeymo ah hubka ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya (SNA) oo ka kooban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandooriga u dhaca isla markaana loo adeegsanayo weerarada daandaansiga ah ee lagu soo qaadayo Puntland.

Dawladda Puntland mar walba waxay u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo hantida shacabkeeda sida uu qabo dastuurka dawladda Puntland, waxay sidoo kale u taagan tahay taabba-gelinta deggnaanshaha, nabad gelyada iyo amniga gobolka, balse haddii xaaladdu ay kusii socoto qalalaasaha siyaasadeed iyo nabadgelya xumada ka jirta gobolka, waxaa masuuliyaddeeda iska leh oo qaadi doonta dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

beccosalaam-banktabaarak