Magaalada Boosaso Oo Maanta lagu toogtey Garsoore ka tirsanaa Maxkamada Rafcaanka

0
526

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

Maanta ayaa waxaa magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari lagu toogtey mid kamid ah Garsoorayaasha Maxkamada Rafcaanka ee gobolkaasi Bari.

Cabdi Naasir Xaaji Aadan

Oo ah Garsoore ayaa waxaa dhabarka danbe ee Cusbataalka magaalada Boosaso ku toogtey nin Baaskoolad ku hubeysnaa , abbaare 12-kii duhurnimo ee wakhtiga magaalada Boosaaso Xili Uu Halkaasi marayay.

Dhaawaca Marxuum Cabdi Naasir Xaaji Aadan ayaa durbadiiba la gaarsiiyey Cusbataalka weyn ee magaalada Boosaaso halkaas oo uu markii danbe ku geeriyoodey Isbitaalkii La Geeyay Isaga O Dhaawac Ah.

Sidoo Kale Wararka ayaa intaasi raacinaya in gacanta lagu hayo Kooxhii geesatay dilkaasi ,Iyadoo marar badanna aannu isku dayney inaanu la xiriirno Laamaha Ammaanka si aan xog arintaasi ku saabsan uga helno haseyeeshee ay nuu suurta geli In aanu Qadka Ku Helno Masuuliyiinta Ama Qoyskii uu Ka Dhashay Marxuumka Geeriyooday.

Boosaaso oo ah xarunta gobolka Bari islamarkaana halbowle u ah Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa mudooyinkii u danbeeyey caado ka noqday dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo Shaqaalaha dowlada iyo dadka Bulshada dhexdooda magaca ku leh.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )