Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland ayaa soo saaray Maanta Warsaxaafadeed ay sharuudadaha laga doonayo xubnaha u tartamaya labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ku sharraxan yihiin.
Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha Musharaxnimada, waxay kala yihiiin;
- Yahay muwaadin Soomaali ah
2. jiraa ugu yaraan da,da 25 sano maalinta doorashada
3. uu haystaah shahaado dugsi sare ama khibrad u dhigantah
4. kamid ahayn GDGHDD ama ergada doorashooyika
5. Uu kamid yahay beesha kursiga iska leh
6. in heer maxkamadeed lagu xukumin danbi uu galay 5-tii sano ee la soo dhaafay
7. heer maxkamadeed lagu xukumin danbi uu galay 5-tii sano ee la soo dhaafay
8. Dhigida koontada GDGHDD lacag dhan $ 10,000 Raga,( $ 5000)dumarka musharaxiinta aqalka sare.
9. Dhigida koontada GDGHDD lacag dhan $ 5000 Ragga,(2500) Dumarka musharaxiinta golaha shacabka.
Soo Gudbinta Codsiga Musharraxnimada ayaa ah;
Xubin walba oo doonaya inuu codsado musharaxnimo waa inuu buuxiyaa arjiga codsadaha ee GDGHDD Ujeedkaan u Ansixiyey, uuna soo gudbiyo dukumiintiyada hoos ku xusan ee taageeraya musharaxnimada.
- Arjiga codsiga oo la buuxiyey,GDGHDD ay an sixisay
2. Koobiga aqoonsi,warqada dhalashada ama baasaboor.
3. Shahaado dugsi sare ama warqad rasmi ah oo ka socota hay,ad horay u shaqaalaysiisay
4. Rasiid bangiga oo cadaynay bixinta lacagta musharaxnimada oo aan dib loogu soo celin doonin musharaxa ee dhan $10,000 Ragga,($ 5000) dumarka aqalka sare,$ 5000 Ragga,($ 2500)dumarka aqalka hoose,lagu shubay koontada ay samaysatay GDGHDD uu musharaxu iska diiwaan galinaayo.
5. Saxiixa xeerka anshaxa.. - warsom2011@gmail.com