Jaaliyadda soomaalida ee Melbourne oo Cambaareeyey weerarkii loo geystey ciidamo ka tirsan GALMUDUG.

0
581

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Melbourne ee dalka Australia ku nool ayaa cambaareeyay weerarkii lagu dilay shacabka iyo askarta ee Mareykanku uu dhawaan ka fuliyay deegaanka Jeexoow oo ku yaalla dulleedka Magaalada Gaaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Jaaliyadda soomaalida ee Melbourne ayaa weerarkan u arka mid xad gudub ah oo lagula kacey askar iyo dad rayid ah oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug taas oo ay dhaheen waa in magdhaw laga bixiyaa hantidii la bur buriyey iyo dadkii la laayeyba,isla markaasna maxkad la keeno saraakiishii iyo askartii fulisey weerarkaas.

DHawaan ayey aheyd markii ay diyaradaha Mareykanku leeyahey ay duqeyn u geysteen ciidamo iyo gaadiid ka dagaalka oo ay lahaayeen maamulka Galmudug,iyadoo markii hore lagu sheegey in ay ahaayeen kuwo al-shabaab ka tirsanaa balse dib laga ogaadey mid taas ka bedelan.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak