Ergada Maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta Ansixisay Dastuurka uu maamulka yeelanayo, sidoo kale waxaa la shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulkaas.
Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle uu yeelanayo – ayaa waxaa lagu Ansixiyay cod gacan-taag ah, iyadoo 202 xubnood oo ku sugnaa Hoolka Shirarka ay 186 ka mid ah Ogolaadeen, halka ay ka maamustay 10-ergay, halka lix xubnood ay diideen.
Sidoo kale, Ansixinta Dastuurka kaddib, Waxaa Goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxayna sheegeen in la soo dhameystiri doono dhismaha maamulka ay ku midoobayaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dhanka kale, Waxaa isla maanta lagu dhawaaqay xilliga ay qabsoomi doonto doorashada madaxweynaha maamulka labadaan Gobol iyo ku xigeennadiisa, iyadoo la sheegay in doorashadiisu ay dhicayso 15-ka bishan Oktoobar oo ay naga xigaan dhawr casho.
Ugu dambeyn, Waxaa kaloo la Ansixinta Dastuurka iyo Calanka Maamulka iyo weliba ku dhawaaqista xilliga Doorashada Madaxnimada ayaa waxay imaanaysaa xilli qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay kasoo horjeedaan dhismaha Maamulkaan.
warsom2011@gmail.com








