(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Kadib Markii xarakada mujaahidinta Al-shabaab ay faarujiyeen Qeybo kamid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaa dad farabadan oo shacab ah isku dayeen in ay aadaan xaafada hooda Islamarkaana ay sidii hore oo kale deegaansaddaan
Arinkaasi ayaa waxaa ka biyo diiday Islamarkaana ka hor istaagaya in ay shacabkii ka barakacay xaafadahooda dib ugu soo laabtaan islamarkaana deegaansadaan Guryahooda Ciidamo Ka tirsan Dowlada TFG-da Soomaaliya
Shacabka doonaya in ay Dagaan xaafadohooda ayaa waxaa dhac,Kufsi Iyo Bililiqo baahsan u geestaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo ku sugan xaafadaha ay faarujiyeen Ciidamada Xarakada mujaahidiinta al shabaab Gaar ahaan Degmada Shibis Ee gobolka Banaadir
Dhacaani ay shacabka u geesanayaan ciidamada Dowlada TFG-da ayaa waxa ay sababeysaa in ay ka sii haadaan ama ayba Dib ugu soo laabanin xaafadahooda dadkii horey ugu barakacay xaafdaaahisi
Degmada Shibis ayaa waxa ay noqotay Degmada kaliya Oo Ay Iskaga Cabsisiyaan dadka rayidka ah oo ay ku sheekeystaan in cidii aada degmada Shipis laga qaadanayo waxyaabaha ay wataan waxayna sheegeen in dad aad u farabadan laga uruursaday Handphone-ka Ama Bopilada ay gacmaha ku wataan
Dhacaani aya ciidamada dowlada TFG-da ka Geesanayaan Degmooyinka ay Faarujiyeenn Xarakada Mujaahidiinta al Shabaab Gaar ahaan Degmada Shipis ayaan jirin Wax saraakiil Ka Tirsan Dowlada TFG-da Oo ka hadashay ama wax jawaab ah ka Bixisay Qeelo dhaanta ka soo yeereysa Shacabka Doonaya in ay Aadaan xaafadahooda Oo Laf Dhuun Gashay ku Noqdeen Maleeshida Meesha U Qaraabtagata Kuwaa Oo Ka Tirsan Dowlada Somaaliya
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





