(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Dibad Baxaani looga soo hor jeedo hadal shalay kasoo yeeray qaar kamid ah XildhibaanadaTFG-da ee Soomaaliya oo ahaa in dadka kasoo jeeda Beelaha Jareer weyne iyo Digil iyo Mirifle lagu waxyeeleeyo degaanada Puntland ayaa maanta ka dhacay banaanka hore ee Xarunt Maamulka gobolka Bar Ee Puntland
Shacabkaani banaan baxa dhigayey oo ahaa kuwo kasoo kala jeeda Beelaha Jareer weyne iyo Digil iyo Mirifle ayaa ujeedada ay banaan baxa u dhigayeena ay ahayd inay muujiyaan mowqifkooda ku aadan war shalay kasoo baxay Oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada TFG-da kaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan habayaraatee waxba ka jirin oo laga been abuuranayao
Ka Dib Gabagabada mudaaharaadkaasi ayaa waxaa Xarunta Maamulka Gobolka Bari ka dhacay kulan ay wada qaateen Gudi ay dadka banaanbaxa sameyney iska soo xuleen iyo qaar kamid ah Madaxda gobolka iyo kuwa degmada Boosaaso Oo Kulan xasaasi ah ku qaatay meesha islamarkaana meeshiiii uu ku soo afmeermay Banaanbaxii.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





