Wadada Maka-almukarma oo gaari lagu soo xirey Bumb ku qarxey.

0
551

Gaari uu Qarax ku xirnaa ayaa Goor-dhaw ku qarxay Wadada muhiimka ah ee Maka Al-kurama ee Muqdisho, burbur xooggan ayaa gaariga soo gaaray, wuuna gubtay gabi ahaantiis.

Wararka ayaa sheegay in gaarigan qarxay lagu xiray waxyaabaha qarxa, dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in gaarigu uu qarxay xilli uu marayay waddada, iyadoo la sheegay in gaariga uu lahaa ganacsade lagu magacaabo, Xuseen Jaamici.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Col. Bishaar Abshir Geeddi, ayaa u sheegay war-fidiyeenka in qaraxu uusan geysan waxyaallo nafeed, balse uu isagoo oo dhan burburay isla markaana gubtay.

Ugu dambeyn, Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaasoo xiray wadada, waxaana halkaas ka socda baaritaanno, inkastoo aysan jirin cid loo qabtay iyo cid sheegatay inay qaraxan ay ku xirtay gaariga.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak