Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016.
Munaasabad si weyn looga soo qeyb galay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu musharaxa uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha dalka, wuxuuna sheegay in haddii xilkaasi loo doorto uu ku shaqeyn doono cadaalad.
Xaflada ku dhawaaqista Musharaxa oo ka dhacday Hotel City Palace Muqdisho’ ayaa la waayay meel la kala istaago dadka ka soo qeyb galay awgeed taaso ‘ ka dhigan Musharaxii Ugu shacbiyada badnaa ee ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Madaxweyne Sanadkan 2016.
Reer Muqdisho Maanta waxaa la dhahi karaa’ sooma kala harin saqiir iyo kabiir” sida aay u camireen goobta musharaxa kaga dhawaaqay in u taagan yahay Musharax Madaxweyne. .
Munaasabadda uu Musharaxu kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa oo lagu qabtay Hotel City Palace sido kale waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Cumaa;udiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) waxaa sido kale u kaga duwanaay Musharxiinta Horey ugu dhawaaqay In aay u taagan yahiin Xilka Madaxweyne waxaa ‘uu soo xirtay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Caanka ku tahay .
Si kastaba ha ahaatee, Musharaxu waxa uu Taageero, magac iyo maamuus ku dhex leeyahay Gudaha iyo Dibedda, wuxuuna Khibrad u leeyahay Nidaamka Hoggaminta Dowlad-wanaagga, Horumarinta Danaha Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga waana shaqsi la jecel yahay.
warsom2011@gmail.com








