Mandheera iyo jubaland masuuliyiin ka kala socda oo kulan ka yeeshey iskaashiga xaga Amniga.

0
534

Kulankan oo ka dhacay Hotel Red Sea oo ku yaal magaalada Mandera ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubaland, Maamulka gobolka Gedo, madaxda degmada Mandheera iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Wasiirra ka tirsan dowladda Jubaland ee kulankaasi ka qeybgalay waxaa kamid ah; Wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashiid Xasan Nuur, Wasiirka xanaanada xoolaha Mudane Max’ed Nuur Buulle, Wasiiir kuxigeenka dalxiiska, Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo madax  kale, waxaana dhanka Kenya kulanka uga qeybgalay gudoomiyaha degmada Mandheera Frederick Shsia, Saraakiil ka socotay booliska iyo laamaha amniga dalkaasi.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo dhinacyadu ay ka sheekeeyeen muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo nabadgelyada.

Dalka Kenya oo Soohdin dheer la wadaaga Soomaaliya gaar ahan dhanka maamul goboleedka Jubaland ayaa waxaa aalaaba ka dhaca falal lidi ku ah ammaanka kuwaa oo ay geeystaan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay in iskaashi buuxa laga yeesho dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab islamarkaana si dhow ay maamullada labada dhinac uga wada shaqeeyaan arimaha la xiriira nabadgelyada.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradda amniga Jubaland ay dhawaan degmada Beledxaawo kusoo bandhigtay walxaha qarxa oo ay sheegtay in loo waday dalka Kenya.
warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak