Soomaalida Sweden oo laga yaabo in Boolis dalkaasi qab qabtaan.

0
238

Booliska Sweden ayaa laga yaabaa inay qabqabtaan Soomaali sharciyo aan laga siin Sweden. Soomaalidaa ayaa darxumo kula nool Sweden.

Waaxda socdaalka ayaa dalban karta in ay raraan dadkaa Soomaalida ah maadaama aysan heysan meelo si sharci ah ay ugu noolaadaan-Waa guryo.

Wax ka baddalid lagu sameeyay sharciga magangalyo doonka dhawaan ayaa sababaya in wixii magangalyo doon ah ee aan carruur wadan ee si kama dambeys ah loogu diiday sharciga dalkaa ay tahay inaan wax intaa ka badan loo ogolaan guryo iyo ceyr ay ka qaataan dawlada dalkaa!
|

Haatan wax ka baddal dheeraad ah ayaa dawlada dalkaa ku damacsan tahay in wixii aysan guryo u heyn ay Sweden ka huleelaan oo ay isaga baxaan dalkaa.

Arintaa yaa ah murugo inteeda le eg iyo wax laga naxo. ‘Maanta qiyaas ahaan 2500 ayaa helay go’aan sheegaya inay waayi doonaan xaqa ay u leeyihiin cawimaada’, sidaa waxaa tiri haweeney dhanka warbaahinta u qaabilsan laanta socdaalka ee dalkaa oo lagu magacaabo Helena Cho Cyorki.

Sharciga cusub ee markii wax laga baddalay lasoo saaray ayaa booliska ruqsad usiinaya inay guryaha ka raraan dadka aan guryaha loo dooneyn wixii loo gaaro 1da bisha 1aad ee sanadka soo socda.

 

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak