R/W Gaas Oo Maanta Gaaray Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya

0
633

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

Cabdweli Maxamed Cali Gaas Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka TGF-da Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee  Xarunta dalkaasi Kenya.

Raysalwasaare Gaas iyo Wafdigiisa ayaa markii ay gaareen magaalada Nairobi,waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Kenya iyo madax ka tirsan dowlada TFG_da oo horey ugu sugnaa Nairobi Si ay ugu xaqiijiyaan amaanka iyo waliba goobihii uu ku dagan laahaa Gaas.

C/wali ayaa Nairobi kaga qeybgali doona Shir la sheegay in looga hadli doono Xaaladda abaaraha Geeska afrika,kaas oo ay soo qabanqaabisay Dawladda Kenya oo iyada iminka bilowday faragalinta tooska ah oo ay ku hayso dowlada soomaaliya xilli ay horay u sheegtay in ay wax shaqo ah kala dhexeen Dowlada TGF-da .

Kulankaani  ayaa lagu wadaa in dhinaca dhaqaalaha ay ka taageerayso IGAD,waxaana la filayaa in berito Shirku si rasmi ah uga furmo magaalada Nairobi Ee caasimada dalkaasi Kenya.

Laba maalmood  ayuu Shirku ka socon doonaa magaalada Nairobi,waxaana diirada lagu saari doonaa inta uu socdo dalalka kuyaala Geeska afrika ay sida xun abaartu saameynta ugu yeelatay

Cabdweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Lagu wadaa in uu qudbada ka jeediyo kaasi uu kaga hadli doono  Xaaladdaha Soomaaliya khaasatan sida abaartu u Saameysay iyo waliba In ay kaalintooda ka qaataan dowlada Kenya oo haatanba uu u aaday in uu ka soo qanciyo qilaafkii u dhexeeyay dowlada soomaaliya iyo dowlada kenya.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )