Idaacadda Shabeele oo saaccado kooban hawada ka sareen ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya.

0
532

Idaacada Shabeelle ayaa xalay saacado hawada ka maqneyd kadib markii ciidamada NISA ay yimaadeen amarna kusiiyeen muumulka in la damiyo.

Mulkiilaha idaacadaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan NISA ay xalay halkaa yimaadeen ayagoo amar ku bixiyay in idaacada la xiro. Wuxuu intaa ku daray inay u sheegeen ciidamadaasi in war ay sheegtay idaacadu lagu heysto.

Wuxuu kaloo sheegay in labo wariye oo ka tirsan idaacadaa la xiray oo ciidamadii horay ula tageen lana sheegay in lagu xiray xabsiga Godka Jilicoow.

Mulkiilaha idaacadaa ayaa intaa raaciyay in ciidamadaasi soo weeraray idaacadaa ay taleefanada gacanta ku duubteen warbixintii intii aysan halkaa ka tagin.

Dhowr saacadood kadib ayaa idaacadaasi dib usoo gashay hawada.

War goor dhow soo dhacayna wuxuu sheegayaa in labadii wariye ee la xiray lasoo daayay oo dib xornimadoodii ay u heleen.

Dhowr jeer oo hore ayaa idaacadaa la xiray sanadihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak