Aqoon is-weydaarsigan lagu baranayay maamulka iyo maareynta oo ay bixinayeen Khuburo ka Socday Midowga Afrika ayaa ka socday Muddo Saddex Maalmood ah Xarunta Baarlamaanka Afrika ee Johannesburg, Koonfur Afrika, waxaana ka qayb-galay ku dhawaad 30-xildhibaan oo kala matalayay in ka badan labaatan wadan oo Afrikan ah.
Xildhibaan C/lla Barqad oo u dhashay dalka Jabuuti oo aan wax ka weydiinay sida uu udhacay aqoon isweydaarsigaan iyo kulankii Baarlamaanka Pan Afrika oo lasoo gabagabeeyay ayaa sheegay in shirka baarlamaanada Afrika ee bishaan looga hadlay qodobo dhoor ah oo ay ka mid ahaayeen amaanka Afrika gaar ahaan wadanka Koonfur Afrika oo lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan dalka Senegal iyo sidii looga hortagi lahaa musuqmaasuqa ku baahay Afrika.
Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah mudanayaasha Soomaaliya umatala Baarlamaanka Pan Afrika oo nooga warbixiyay kulanka baarlamaanada Afrika iyo aqoon isweydaarsigaan lagu baranayay maamulka iyo maareynta ee lagu soogabagabeeyay magaalada Johannesburg ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka Pan Afrika ee xiligaan uu ahaa mid ay ku shirayeen gudiyada joogtada ah loogana hadlay arrimo kala duwan oo ubaahan inay Afrika iska kaashato, wuxuuna intaa ku daray in kulanka xiga ee October lagu qaban doono magaalada Sharmasheeq ee dalka Masar.
Ugu dambeyn, Shirka Pan African ayaa dhanka kale waxaa ku kulmay qaar ka mid ah Afhayeenada Pan African, wakiilo matalayay Guddoomiyayaasha Baarlamaannada ee aan imaan, RW dalka Lethoto, xoghayayaasha guud ee baarlamaanada, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale ee lagu martiqaaday kulanka baarlamaanka Pan Afrika.
warsom2011@gmail.com








