Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kasoo hor-jeestay qaar ka mid ah qodobadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ee lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho.
Guuleed oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo Gaalkacyo ka dhacday ayaa sheegay inuusan ku Waafaqsaneyn Madaxda Madasha Labada Xubnood ee Puntland loogu kordhiyay Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
“Somalia waxaa kusoo fool-leh doorashooyin iyo is-bedel dhinaca Siyaasada ah. Maamulka Galmudug xubin fir-fircoon ayay ka tahay arrimahaas, shirarkii madasha si dhameystiran ayaan uga qayb-galnay, balse go’aanadii laga soo saaray shirkii u dambeeyay ee madasha qodobka ku saabsan in labo xubnood oo dheeri ah loogu kordhiyo Puntland, arrintaas haddaa nahay Galmudug ma ogolin,” ayuu Guuleed yiri.
C/kariin Guuleed, ayaa intaas ku daray in uusan ka Qayb-gelin shirkii Madasha ee Muqdisho lagu soo gunaanaday, arrimo caafimaad awgeed, balse wafdi uu Hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka uu maamulka ku meteliyay shirka.
War-murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii wada-tashiga doorashooyinka, ayaa qodob ka mid ah wuxuu dhigayay in Xubnihii la siiyay Somaliland Saddex laga soo jaro, Labo ka mid ah la siiyo Beelaha Sool, Sanaag-bari, halka xubin ee soo hartayna la siiyo Reer Buuhoodle, Taasoo Macnaheedu yahay in Laba xubnood Puntland oo dheeri ah loogu daray.
Dhanka kale, Wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa ka soo hor-jeestay in xubnaha laga jaray Somaliland ee ahaa 11 xubnood laga jaray saddex xubnood, inkastoo markii dambe la xusay in labo xubnood loogu daray.
Ugu dambeyn, Aqalka Sare ee Baarlamaanka lasoo dhisayo, ayay hadda tiradiisu tahay 58-kursi, halka markii hore uu ka ahaa 54-kursi, Waxaana Gobolka Banaadir laga siiyay laba Xubnood.
warsom2011@gmail.com








