Waxaa Hotel Kempinski ee magaalada Jabuuti ka furmay Kulankii Shanaad ee Golaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga Soomaaliyeed, kaasoo socon doona mudo labo casho ah, waxaana ka qayb-galaya Ganacstada Soomaaliya kuwooda ugu waaweyn.
Ganacsatada ka qeyb gashay Shirweynaha Golaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga Soomaaliyeed ayaa waxay ka kala yimaadeen Dalka isu taga Imaaraadka Carabta, Soomaaliya, Kenya, Koofurta Sudan iyo meelo kale.
Shirweynaha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud C/llaahi Gabeyre iyo kuxigeenkiisa C/rashiid Cali Caynaansh oo dhowaan ka soo laabtay safar shaqo ay ku tageen dalka Mareykanka.
Waxaa shirka furmay Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga Soomaaliyeed, isagoo u Mahad-celiyay Xukuumadda Jabuuti sida ay Hiilka ay u Muujiyeen Muddadii uu ku jiray liiska Argagixisada.
“Markii Xafiiska la Sameynayay 2007-dii oo la ii doortay inaan Guddoomiye noqdo waxaa ku jiray Liiska Argagixisada oo macheedu yahay inaan la iila tacaamuli karin, inaan safri karin, Madax inaa noqdo iskaba daaye, waxaa u mahad celinayay dowladda Jabuuti iyo Madaxweynahooda sida ay hiil iyo garab istaag iigu muujiyeen, aad ayay u mahadsan yihiin,” ayuu yiri Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Sidoo kale, Axmed Nuur Jimcaale ayaa ka jeediyay Shir-weynaha warbixin ku saabsan waxqabadka Golaha shanti sano ee u dambeysay, waxaana uu xusay in horumar badan uu sameeyay Golaha tan iyo markii la aas aasay.
Xoghayaha Guud ee Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu shirka leeyahay, isagoo xusay in shirka inta uu socdo looga hadli dooni sidii loo hormarin lahaa Ganacsiga Soomaaliyeed.
“Golaha Ganacsiga iyo iskaashiga Soomaaliya waxaa xaruntiisa tahay Jabuuti, waxaana xubno ka ah in ka badan boqollaal isugu jira Shirkado Ganacsi iyo Shaqsiyaad, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhammaan shirkadaha ugu waa-weyn Somalia, ujeeddooyinka loo Aasaasay Howlaha Ganacsiga iyo Maal-gaashiga inuu isku xiro Soomaaliya iyo Jabuuti iyo dhamaan Ganacsiga Soomaaliyeed,”ayuu yiri xoghayaha guud ee golaha ganacsiga & maal-gashiga Soomaaliyeed C/llaahi Nuur Cusmaan.
Dhanka kale, intuu Kulankaanni Socday ayaa waxaa la qabtay Doorashada Hoggaanka Golaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga Soomaaliyeed, Waxaana mar kale Guddoomiye loo doortay Sh. Axmed Nuur Cali Jimcaale, Halka Labada ku xigeen mar kale loo doortay C/rashiid Heybe Dubad iyo Cabdullaahi Warsame Jaamac.
Ugu dambeyn, Shirka ayaa lasoo Gunaanadi doonaa Maanta, iyadoo warbixin looga dhageysanayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Shirka ka Qayb-galaya, waxaana ay soo bandhigayaan sida loo horumarinayo ganacsiga Somalia oo sanadihii la soo dhaafay is bedel weyn sameeyay.
warsom2011@gmail.com








