Wafdi uu horkacayo m/weyne Xasan sheekh oo ka degey addis ababa dalka Ethoipea.

0
517

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga Qayb-galayo Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD.

Kulanka madaxeedka IGAD, ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Waddanka Koonfurta Suudaan iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaalia Sannadkaan lagu jiro daba-yaaqadiisa.

Amniga Waddooyinka Muqdisho ayaa la adkeeyay inta madaxweynuhu uusan ka dhoofin garoonka Aadan Cadda ee Muqdisho, waxaana bixitaankiisa uu ku soo beegmayaa iyadoo aan weli lasoo gaba-gabeyn shirka Doorashooyinka ee Muqdisho ka socda.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Muqdisho kusoo laabto maalin kaddib, iyadoo shirka madasha wada-tashiga ee ay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu leeyihiinna aanay natiijo kasoo bixin.

warsom2011@gmail.com

salaam bankbeccotabaarak