Sida ay baahisay warbaahinta dalka Kenya, dowladda Kenya ayaa sheegtay in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay si qasab ah askar kaga dhigaan dhallinyarada dalkaasi si dhankooda uga barbar dagaallamaan.
Warbaahinta ayaa soo xigatay Taliyaha ciidanka Milatariga Kenya Samson Mwathethe oo sheegay in dhallinyarada Kenyaanka ah aanay ku qanacsaneyn ku biirista Al-Shabaabbalse la cabsi geliyo.
Hadalka dowladda Kenya, ayaa imanaya ayada oo weeraro dhowr ah oo Al-Shabaab ay fulisay ay ka dhaceen dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkood ay fuliyeen dad Kenyan ah.




