Isbaheysiga Xisbiyada Siyaaasadda Soomaaliya Oo Maanta Dood Ka Yeshay Mustaqbalka Dalka Marka Uu Dhamaado Waqtiga Hey’adaha Dastuuriga Ah.

0
490

Dood Aad U Culus Oo Taabaneysa Dhinacyo Badan Ayaa Maanta Waxaa Hotelka Jazeera Ku Yeeshay Isbaheysiga  Xisbiyada Siyaaasada Soomaaliya Kuwaasoo Kor U Dhaafaya 33-Xisbi Siyaasadeed Iyadoona Goobta Lagu Casuumay Sharci Yaqaano Musharaxiin,Odayaal Dhaqan Iyo Bahda Warbaahinta Oo Qaarkood Ay Si Toos Ah U Tabinayeen  Doodaasi/

Aayadaha Qu’aanka Kadib Ayaa Waxaa Doda furay Gudoomiyaha Isbaheysiga  Xisbiyada Siyaaasada Soomaaliya Cali Max’ed Nuux Timajilic Isagoona Sheeegay In Waxa Goobtaasi manta lagaga Hadlayo Aanay Aheyn Naceyb Shaqsi,Mid Kooxeed Iyo Mid Qabiil Intaba Balse Waxa Meesha Loo Yimid Ay tahay Wax Aynu Wada Leenahay Oo Ah Masiirka Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeed Loona Baahanyahay In La Abaaro Mowduuca Meesha loo yimid Oo Ah Haddii Hey’addaha Dastuuriga Ah uu Waqtigoodii Dhamaado HALKA La Abaarayo Iyo Waxa La Gudboon Shacabka Soomaaliyeed.

 

Intaa Kadib Ayaa Waxaa Lagu Soo Dhaweeyey Microfoonka Mid Ka Mid Ah Musharaxiinta Xilka Madaxweyne nimo Kaasoo Lagu Magacaabo C/raxmaan C/Shakuur Oo Horey U Ahaan Jiray Waziirka Iskaashiga Iyo Xiriirka Caalamiga Ah Isagoona Ka Hadlay Qodobo Dastuuri Ah Kaasoo Tilmaamaya Mudada Xilka Ay Haynayaan Hey’addaha Dastuuriga Sida Madaxweynaha,Baarlamaanka Iyo Garsoorka Dalka Wuxuuna Sheegay In Madaxweynaha Xilligaan Ahna Musharax U Taagan Xilka Madaxweynenimo Uu Ku Mashquulay Sida Uu Neesha Kaga Saarii Lahaa Hey’adaha Dastuuriga Ah Sida Garsoorka BaarlamaankaIyo Xukuumada Halkii Loo Baahnaa Inuu Isku Ilaaliyo Hey’adahaasi Sharcigana Uu Ilaaliyo

”Waad Ogtihiin Dhawaan Wuxuu Kala Diray Gudiggii Adeega Garsoorka,Wuxuu Xilka Qaadis Ku Sameeyey Gudoomiyihii Gudiga Adeega Garsoorka Ahaana G/Maxkamada Sare Isagoo Badalkoodii Keensaday Dad Aan Marin Sida Uu Qabo Qaanuunka Dalka, Sidoo Kale Waxaad La Socotiin In Xukuumada Ay mareyso Seddex Ra’iisul Wazaare Iyadoo U Jeedada Ay Tahay Sida Aan Rabo Yeel Danta Qaranka Ha Eegin, Ugu Dambeyntiina Wuxuu La Wareegay Awoodii Baaarlamaanka Uu Lahaa Iyo matalaadii Shacabka Wuxuuna Ka Dhinac Sameestay Wax Loogu Yeray Madasha Wadatashiga Qaranka Oo Aan Sharci Ku Dhisneyn,

Gaba Gabada Hadalkiisa Ayaa Waxa uu Carabka Ku Adkeeyey In Aan Waqti Iska Daayee Saacadna Loogu Dari Doonin Madaxweynaha Haatan Talada Hayo.

 

Sidoo Kale Waxaa Dooda Ka Qeyb Galay Oo Iyana Mowqifkooda cadeeyey

Max’uud Ax’ed Nuur Tarsan Oo Ah Musharax Madaxweyne,
Axmed Macalin Fiqi, Xog’heyaha Guud Ee Xisbiga Daljir,
Salaad Cali Jeelle,
Oo Isaguna Ah G/Xisbiga Dimuqraadiyada,
Ax’ed Baasto
G/Ku Xigeenka Xisbiga SPJ Iyo Xubno Kaloo Madax Ka Wada Ah Axsaabta Dalka