Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay culays ku hayso gobolka Saaxil, isla markaana ay u diidan tahay shir ay yeelan lahaayeen beelaha gobolkaasi dega.
Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/rashiid Xasan Mataan ayaa sheegay inay khalad tahay in beelaha dega qaarkood gobolka Saaxil oo shir beeleed qabsanayey in loo diido, isla markaana culays xad dhaaf ah la saaro, waxaanu xisbiga kulmiye ku eedeeyey inay iyagu bilaabeen shir beeleedyadda oo xukunka ku yimaadeen.
Sidoo kale, C/rashiid Xasan Mataan ayaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya ku eedeeyey inay si ka baxsan diblamaasiyadda ula hadlay Somaliland, waxaanay xukuumadda usoo jeediyeen inay dib u eegaan xafiiska Turkiga ku leeyahay magaaladda Hargeysa.
Xukuumadda ayaa amar ku soo saartay in shir beeleed lagu qaban lahaa deegaanka Baxaro saafka ee degmadda Laasgeel ee gobolka Saaxil aan lagu shiri Karin, isla markaana ciidamo badan keentay deegaankii lagu balansanaa in shirkaasi lagu qabto iyo guud ahaan gobolka Saaxil.
“Shirka baxaro saafka ee beelaha gobolka Saaxil ku qabsanayaan, xisbiga wadani wuxuu aaminsan yahay in shirar beeloodyo noocaas oo kale ahi ina soo mareen Somaliland, taariikhda shir beeleedyadda inay tahay mid ku suntan hogaanka sare xisbiga kulmiye oo soo bilaabantay ilaa intii ay ku raadinayeen xukunka, isla markaana ay dhaceenshirar bileedyo laga soo bilaabo gobolka Sanaag ilaa Awdal oo ay hore u dhaceen imikana ay dhacayaan,waana taariikh ku suntay xisbiga kulmiye shir beeleedyadda dhaca inta ay xukunka hayaana way dhacayaan wayna dhici doonaan, haseyeeshee waxa ilaahay mahadii ah in shirarka dhacaya aanay ka soo bixin wax dibin daabyo ku ah qaranimadda iyo amniga Somaliland”ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADANI C/rashiid Xasan Mataan oo xukuumadda ku eedeeyey inay is hortaagaan shir beeleed si nabadgalyo ah u dhacayo oo ay kaga arrinsanayaan danahoogga.
Mataan ayaa sheegay in culayska ka dayso xukuumadu oo ay fasaxdo shirkaasi, maadaama oo shirar noocan oo kale ah hora usoo wada dhaceen, waxaanu yidhi “xisbiga WADANI ku baaqayaa inay xukuumaddu ka dayso culayska ay ku hayso gobolka Saaxil ee ay buunbuuninayso haday tahay shirka qabashadiisa ama duruufo kale oo jira ha noqotee, xukuumadda iyada laga rabaa inay shacabka ka qanciso masuuliyadda ay u hayso iyo hadba waxay qabanayso, waxaynu ogayn wixii ka dhacay sahankii shiidaalka, waynu ogayn wixii ka dhacay haamihii shiidaalka iyo wixii ka dhacay, waxaynu aragna hadalo is burinaya oo xaga heshiishka Shirkadda DP world ay xukuumadda laftigeedda ka soo baxayaan oo wax kala duwan ay sheegayaan, shakiga shacabku qaba waa wararka is burinaya ee iyadu ha cadayso wararka iyo masuuliyadda ay shacabka u hayso oo dadka ha qanciso, sidaas darteed, waxaanu xukuumadda ugu baaqayna in laga daayo shirkaasi buunbuuninta lagu hayo, loona ogolaado in beeshaasi iska shirto”
Sidoo kale, xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Mataan waxa uu ka hadlay hadalkii dhowaan ka soo yeedhay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ee sheegay in Passaboorka Somaliland u aqoonsan yihiin sida waraaqaha aqoonsiga oo kale.
“Xsibiga WADANI wxuuu aaminsan yahay in safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu si qaawan oo dublamaasiyAdda ka baxsan ula hadlay Somaliland, markasta wuxuu shacabka SomalilAnd laabta ku hayeen in aanu Turkigu dhex dhexaad ka ahayn wada hadaladda u socda Somalilnad iyo Soomaaliya, arrintaasina waxay muujisay in aanu wax dan ah ka lahayn Somaliland, xisbiga WADANI Wuxuu xukuumadda usoo jeedinayaa inay dib u eegto xafiiska Turkiga uga furan Hargeysa inuu yahay mid Soomaaliya u shaqaynaya iyo inuu yahay mid u furan danaha Somaliland”.
Dhinaca kale, xisbiga WADANI ayaa sheegay in shirweynihii xisbigaasi uu qabsoomi doono bisha Tobnaad ee sanadkan kowdeedda, kaasi oo lagu dooran doonno musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeen doorashadda soo socota uga qaybgallaya xisbiga WADANI.
warsom2011@gmail.com








