Gudiga doorashooyinka heer fedral ee uu sida sharcidarada ah uu ku magacaabey M//weynaha xilkiisu sii dhamaanayo Xasan Sheekh iyo madaxda madasha qaran kooxda la baxdey ayaa la yimid qorshe lama filaan ah oo aan loo fadhiyin.
Iyagoo ku doonaya in doorashada waqtigeeda dib loo dhigo,maadaama ay ahaayeen dad markii horeba shaqaale ka hoos shaqeeya ragga xeesha guracan wata,qodobada uu cuskadey madaxweynuhu markii uu magacaabayey gudiganna ay noqdeen kuwo baal marsan dastuurka oo uu Xasan SHeekh ku been abuurtey.
Gudigan oo ka koobnaa 22 xubnood ayaa shirar badan kadib waxey go’aansadeen in aysan doorashadu ku dhici karin,waqtiga qorsheysan isla markaana loo baahanyahey muddo 2-3 bilood ah oo dheeraad ah,iyagoo codsigooda ula tagey kana dhaadhiciyey,beesha caalamka qaar kamid ah io ergeyga Q/M ee soomaaliya Micheal Keating.
Madasha qaran ee lagu wadey in ay muqdisho ku kulmaan 17kii july ayaa marar badan kulankoodu dib u dhacey,iyagoo ka warsugayey gudiga doorashooyinka cusub,waxaana lagu wadaa in horaanta bishan Augest ay Muqdisho isugu yimaadaan,si arimahan ay go’aan uga gaaraan.
M/weyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamulada ayaa si buuxda waxaa hoosta uga wada qorsheysan in ay daahiyaan waqtiga,waxaana gudiga ugu jira xubno xafiisyadooda toos uga shaqeeya oo si rsmi ah ugu xiran iyaga.
Qorshaha dib u dhigista waqtiga doorashada 2016ka ayaa ah qodob ay in badan ku cel celiyaan dib u dhac in aanu ku imaaneyn,sidoo kalena golaha amaanka iyo wadamada daneeya arrimaha soomaaliya ayaa iyaguna sheega in waqtga aanu dib uga dhici karin mudada loo asteeyey hanaanka isbedelka dalka soomaaliya,balse waxaa muuqata in mar kale lagu fashilmey arrintii ugu weyneyd ee aheyd in laga baaqsado muddo kororsi,khiyaano huwan.
warsom2011@gmail.com








