Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda soomaaliya oo Qaadacey shir gudoonka gudiga doorashooyinka dadban sheegeyna in aysan dhex dhexaad noqon karin.

0
511

IXS/GF/015/16                                                             16/07/2016

WAR SAXAFAADEED .

Isbaheysiga Xisbiyadu shir aan caadi aheyn oo uu isugu yimid maanta oo ay taariikhdu tahey 16/07/16 magaalada Muqdisho, kuna saabsanaa doorashadii guddoonka Guddiga

Doorasha dadban (FIET) iyo Arrimo kale oo dalka kusoo kordhay ayaa wuxuu aad uga xumaaday in wixii ay Isbahaysigu ka digayeen ay soo if baxeen kadib markii Lataliyihii Madaxweynaha Avv. Cumar Maxamed Cabdulle (dhagey) loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban, taasoo ka dambeysay cadaadis iyo faragalin kaga imanaysay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa kaloo Isbahaysigu uu wax laga xumaado u arkaa in dowladdu ay soo rogtay Amaro ka dhan ah goobaha ay dadku isugu yimaadaan sida Hoteelada iyadoo diiday in wax shirar ah lagu qabto taasoo ka hor imaanaysa xuquuqaha dastuuriga ee dalka u dhigan oo uu ka mid yahay xaqa isu imaashasha iyo qabsashada Shirar la xiriira siyaasadda iyo Arrimaha bulshada.

Sidaa darteed Isbahaysigu wuxuu soo saaray qodobada soo socda:-

1. Isbahaysigu wuxuu si buuxda u qaadacayaa Guddiga doorashada maadama Guddigu uu u muuqdo mid gacanta u galay madaxtooyada Soomaaliya oo aan sinaba u noqon Karin Guddi Madax bannaan oo lagu aamini karo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

2. Isbahaysigu wuxuu umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegayaa in aan lagu kalsoonaan Karin Guddiga doorashada sidaa darteed ay muhiim tahay in wax laga badalo qaabka uu Guddigu hadda u muuqdo si looga fogaado musuq maasuq iyo ku shubasho la xiriirta dhinaca doorashooyinka taasoo dhalin doonta khal khal siyaasadeed oo dalka mar kale ka dhaca .

3. In sameynta Guddiga ay talo ku yeeshaan lagana qeybgaliyo ururada bulshada rayidka, Xisbiyada siyaasadda iyo cid kasta oo muhiim u ah dhismaha Guddiga.

4. Isbahaysigu wuxuu talo kusoo jeedinayaa in Guddiga laga saaro Lataliyeyaasha Xafiisyada Madaxweynaha, kan Raiisul-wasaaraha iyo Baarlamaanka si looga fogaado faragalin siyaasadeysan oo lagu doonayo dano gaar ah.

5. In ay dowladdu joojiso Amarada aan dastuurka waafaqsaneyn ee loola jeedo caburinta fikirka taasoo gaf ku ah xuquuqul insaanka iyo xuriyatul qowlka.

Ugu danbeyn, Isbaheysiga Xisbiyadu wuxuu soo dhoweynayaa in dalka ay ka dhacdoo doorasho daahfuran oo xalaal ah, taasoo dadka tartamayaa ay u wada jiraan masaafo is le’eg, annagoo ku baaqeyna in madaxda dalka oo ka mid ah musharixiinta tartanka doorashada 2016 ay faraha kala baxaan guddiyada & talada doorashada, ayna joojiyaan sad bursig iyo caburinta joogtada ah ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Dhammaad

Gudoonka isbaheysiga xisbiyada siyaasadda soomaaliya.

Mogadishu, Somalia, Mobile: +252618557971 /+252615537042