ISLII: xaflad looga hadlayey xuquuqul insaanka iyo amniga oo lagu qabtey xaafada soomaalidu degto ee Nairobi.

0
548

Xaafada Soomalidu degto ee Nairobi waxaa xalay ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga hadlaayay arimaha xaquuqul insaanka iyo ammaanka.

Xafladaas ayaa waxaa loogu magac daray SAMOSA Party waxaana soo qabanqaabshay Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Kenya Human Rights Commission (KHRC).

Qodobadii looga hadlay xaflada oo wadahadal ahayd (discussion) waxaa kujiray, siyaasada iyo qaabka shaqo ee sharciga ah ee ammaanka iyo arimaha la dagaalanka argagixisonimada, qaabka ay bulshadu arimahaa u aragto, sida guddiga KHRC uu wax uga qabtay, isla xisaabtamida ku saabsan arimahaa iyo dowrka baarlamaanka Kenya uu kuleeyahay sida amuurahaa loola tacaamulay ama loola tacaamulo.

Sidoo kale ayaa kasoo qeybgaleyaashu ay suaalo weydiinayeen guddigii soo qabanqaabiyay iyo marti sharafkii oo ay ku jireen senator-ka Xassan Omar, C/Laahi Boru Halake oo katirsan hayada Amnesty International, Hamed Muhamed, Samson Omondi, Tom Kagwe iyo Diana Gichengo iyo weliba xubno ka socday maamulka xaafada Islii sida Axmed Maxamed.

Xubno kale oo muhiim ahaa oo kasoo qeybgalay ayaa ahaa Davis Malombe oo asagu ah ku-xigeenka agaasimaha dhanka fulinta ee KHRC iyo Zahid Rajan oo ah agaasimaha xaflada Samosa.

Kenya ayaa muddo dheer waxaa la dardargalinaayay wacyiga kusaabsan sidii aad loogu horumarin lahaa ammaanka iyo dhowrida xaquuqul insaanka xafladaana sare u qaadida wacyigaa ayay qeyb ka ahayd.

warsom2011@gmail.com

tabarak234beco2salaam bank