Xaalad deg-deg ah oo Madaxweynaha Fransiisku waqtigeedi kordhiyey.

0
557

Kadib dhacdadii xalay magaalada Nice ee dalkaasi Faransiiska gaari lagu dilay dad gaaraya ugu yaraan 80 qof ayaa madaxweynaha dalkaa uu amar ku bixiyay in xaalad dagdag ah oo dalkaa saaran 3 bilood oo dheeraad ah lasii kordhiyo.

Madaxweyne Francois Hollande ayaa go’aankaa qaatay kadib markii nin darawal ah uu gaarigiisa ku dilay dadkaa intaa tiro le’eg xalay mar ay dadkaasi u dabaal dagayeen munaasabad ka mid ah munaasabadaha dalkaa.

Madaxweyne Francois wuxuu sidoo kale sheegay in dadkii dadku uga dhintay, uga dhaawacmay ama waxyeelo weerarkaa kasoo gaartay magdhaw lasiin doono. Wuxuu sidoo kale sheegay in ammaanka lasii adkeyn doono gudaha iyo xaduudaha France.

Wuxuu sidoo kale asagoo khudbad jeedinaayay shaaca ka qaaday in la dardar galin doono hawlgalada ciidamada France ay ka wadaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

‘Musiibo ayaa aad ugu habsatay France. Waan argagarxnay’. Sidaa ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in France uu ahaan doono dal xooggan asagoo inay arintaa hubaal tahay shacabkiisa niyada ugu dhisay.

Muddo dheer ayaa haatan caalamka waxaa ka taagan dhibaatooyin amni darro oo la garan la’ yahay ujeedooyinka laga leeyahay.

warsom2011@gmail.com

tabarak234salaam banksalaam bank