R/W hore ee dalka Ingiriiska Devid Cameron oo istiqaaladiisa soo qadimaya kadib markii dalkaasi ka baxey midawga Yurub.

0
571

FB_IMG_1465347072037beco2R/W hore ee dalka Ingriiska Devid Cameron ayaa maanta soo qadimaya istiqaaladiisa,kadib markii dadka dalkaasi u codeeyeen in ay ka baxaan Yurub intaada kale oo ay toban sano in ka badan ka mid ahaayeen,isagoo ka tegi doona xasuus,taariikhda u gashey xumaan iyo samaanba.

Devid Cameron ayaa lagu eedeeyaa in uu ka danbeeyey dagaalkii lagu bur buriyey dalka Libiya meeshana looga saarey hugaankii dalkaasi oo uu hugaaminayey madaxweynihii hore ee dalkaasi Mucameral AL-qadafi iyo kuwo kale oo qarsoodi ahaan uga qeyb galey dalka Ingriisku,isagoo dhaliilo badan kala kulmayey mucaaradka siyaasadiisa kasoo horjeedey iyo qaar kamid ah shacabka dalkaasi.

R/w hore Devid Cameron qofka bedeli doona ayaa loo hushey haweeney lagu magacaabo Theresa Mey oo iyadu noqoneysa gabadhii labaad ee dalkaasi R/W ka noqota iyadoo ay hore usoo noqotey r/w dalkaasi haweeneydii lagu magacaabi jirey Margret Thatcher,waxa uuna Devid Cameron garawsadey in uu is casilo meeshana uu u banneeyo dad cusub oo la jaan qaadi kara siyaasada cusub ee dalkaasi go’aansadey waana la ogaan doonaa halka iyo wadada ay u jeexdo Theresa Mey dalka Ingriiska,waxaana horyaal siyaasado adag oo ka dhaxeeya Ingriiska iyo Yurub inteeda kale.

warsom2011@gmail.com