M/weyne Xasan Sheekh oo qirey in gobolada W/galbeed qalad weyn laga galey/waa maxey qaladlaasi?.

0
538

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh
Maxamuud oo xalay ka Qayb-galay
Munaasabad lagu xusayay 56-sano
guuradii kasoo wareegtay xorriyadda
Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee 26-
ka Juun, ayaa ka hadlay xaaladda uu
dalku ku sugan yahay.

Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xafladda
26-ka Juune oo ka dhacday xalay
Muqdisho ayuu sheegay in
Halgameyaashii Xorriyadda ay
Waddanka Taariikh wanaagsan iyo
midnimaba u horseedeen, balse
khaladaad dhinaca maamulka dowliga
oo dhacay ay dhaawaceen midnimadii
iyo wadajirkii ummadda.

” Somalia Waddan ahaan ma fashilmin,
ummad ahaana ma fashilmin, laakiinse
Siyaasadda ayaa naga yara xumaatay,
taasina waxay dhashay waxaanu ku
suganahay maanta. Balse weli waanu
nool nahay, Waxaana Waajib nagu ah
inaan saxno khaladaadkii dhacay si aan
u soo celino haybaddii iyo sharaftii ay
Soomaaliya lahayd, ’’ ayuu yiri
Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa intaas
ku daray in shacabka ku nool gobolada
waqooyi ay horay u muujiyeen Soomaali
jaceyl iyo midnimo jaceyl, iyagoo wax
walba ka hormariyey midnimada dalka.

” Walaalaheen ku nool Gobollada
Waqooyi, Waxay kaalin weyn ka
qaateen in Midnimadda ay dhalato,
iyagoo weliba aan wax Shuruud ah ku
xirin. Waxay Taasi muujineysaa heerka
ay ka taagnaayeen inay arkaan Soomaali
oo mid ah. Waan qiraynaa in qaladaad
ay dhaceen, dhibaatana loo gaystay
xornimada kaddib. Khaladaadkaasna
waxaa saldhig u ahaa Siyaasadda iyo
Nidaamka dowliga oo naga xumaaday.

Waxaan mar kale diyaar u nahay inaan
muujino garowshiyo, daweynta
Nabarada soo gaaray iyo inaan ka
fogaanno wax allaale iyo wixii khatar
gelin kara Wadajirkeenna iyo Wada-
noolaanshaheena, ’’ ayuu hadalkiisa ku
daray Madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa
sheegay in Somalia ay ku jirto marxalad
dib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda,
iyadoo la hirgeliyay nidaam federaali ah
oo xukunka lagu baahinayo oo loo arkey
mid xal u noqon karta mashaakilka
siyaasadeed ee dalka.

” Waa inaan dhisnaa Tiirar adag oo Wax
ka tari kara Mustaqbalka Siyaasadda ee
Waddankeenna. Waa inaan iska
ilaalinaa in mar kale aan ku dhacno
qaladaadka aan horay u sameynay ee
dalkeena burburka u horseeday.

Midnimadii Waqooyi iyo Koonfuur
dhaawac Siyaasadeed ayaa soo gaarey,
Balse Dadka Soomaaliyeed oo Dhan ayaa
Maanta u baahan in Dib loo mideeyo
Maadaama Dagaalladii Sokeeye ay
dhaliyeen is-aaminaad darro iyo
kalsooni xumo.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia
ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey
inay ka shaqeeyaan Horumarka,
Nabadda iyo Midnimada dalka.

Munaasabadda 26-ka Juun awgeed, ayuu
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu
Saakay ubax dhigay Taalada Falkirk’s
Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

warsom2011@gmail.com