Kaddib shir
jaraa’id oo ay Maanta ku Qabteen
Magaalada Beledweyne ee Xarunta
Gobolka Hiiraan odayaal iyo Waxgarad
kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa lagu
eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud inuu fara-galin
ku hayo dhaqanka Beesha.
Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoon-
yahannadii ka hadlay Shirkan jaraa’id,
ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in
Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar
ahaan madaxweyne Xassan Sheekh
Max’uud soo Fara-galiyo Dhaqanka Sida
ay Hadalka u dhigen soo jireenka ah ee
Beesha, Kaddib markii Liiska 135 Oday-
dhaqameed ee soo xulaya baarlamaanka
lagu soo darray shaqsi sidda ay hadalka
u dhigeen lagu Tilmaamay inuu yahay
Ugaaska Beesha, Arrintaas oo ay ku
Tilmaameen waxba kama jiraan iyo
been Abuur meel ku dhac ku ah
Madaxweynaha iyo Guud ahaan
Dowladda Federaalka, Madaama
Ugaaska Rasmiga ah uu yahay Ugaas
Xasan Ugaas Khaliif.
Shirkan Jaraa’id, ayaa Sidoo kale –
Waxaa lagu qaadacay Go’aamada
Madasha Wada-tashiga Qaran ee
fadhigiisii ugu danbeeyay ka dhacay
magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa imanaya
kaddib markii qaar ka mid ah bogaga
Internet-ka lagu shaaciyay liiska 135
Oday-dhaqameed oo la sheegay inay soo
xulayaan Xildhibaannada Baarlamaanka
Cusub ee Somalia, Waxaana liiskaa ka
soo dhax muuqday xubin ku
magacaaban in uu yahay Ugaaska
beesha.
warsom2011@gmail.com




