Banki Moon oo adduunyada ka codsadey in Qaxootiga si wanaagsan loola dhaqmo.

0
516

Xog-hayaha
QM Ban-ki-Moon oo shalay galinkii
dambe booqday jasiirada Lesbos ee
dalka Giriigga ayaa sheegay in
dhibaatada qaxootigu aysan weli
dhammaan asagoo isla markaa ku
baaqay in qaab baniaadminimo arinkaa
loo wajaho qaarada Yurub oo dhan.
Lesbos ayaa ah mee1 ka mid ah meelaha
qaxootigu kasoo galo Yurub.

Wuxuu Ban-ki-Moon kula dardaarmay
dadyowga dalalka Yurub oo dhan
inaysan xadadka ka xiran aysana
adeegsan midab kala sooc iyo takoor ka
dhan ah qaxootiga.

“Maanta, waxaan la kulmay qaxooti ka
yimid caalamka meelaha ugu dhib
badan. Waxay kusoo noolaayeen
dhibaatooyin. Dhibkaasna weli ma
uusan dhammaan,” Mr. Ban ayaa sidaa
usheegay xubnaha hayado samafal oo
aan dawli ahayn kuwaasoo usoo xoomay
si ay madaxa QM hadalkiisa u
dhageystaan gaar ahaan arinka
kusaabsan xaalada adag ee halkaa ka
jidha.

“Laakiin halkaan ah Lesbos, waxay
heleen nafis kadib markii ay soo mareen
colaad iyo gabbood fal,” intaa ayuu
raaciyay.
Wuxuu kaloo xusay in dadka
jasiiradleyda ah ee reer Lesbos ay
dabadeed u fureen qaxootiga
guryahooda, quluubtooda iyo
boorsooyinkooda jeebka ee lacagta lagu
rito si ay u taageeraan dadkaa baahan.

Mr. Ban ayaa sidoo kale sheegay in
qaxootigu u sheegeen rajooyinkooda,
iskoolo inay u doonayaan carruurtooda
iyo inay doonayaan shaqooyin si
qoysaskooda ay u korsadaan.

Booqashada Mr. Ban oo ah labo
maalmood ayaa waxay timid wax yar un
ka hor maalinta qaxootiga ee dunida oo
ku beegan beritoole oo ah 20ka Juun.

WARSOM2011@GMAIL.COM
tabarak234salaam bankbeco2