Nin hubeysan oo galabta Afurkii weerarey guriga wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran cadde.

0
673

Nin
hubeysan oo la sheegay in uu ka
Tirsanaa ilaalada Beer uu Wasiirka
Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali
Maxamed Waran-cadde – ku
xannaaneysto Libaaxyada, ayaa
Maqribnimadii Caawa xilligii Afurka
weeraray Guriga uu Wasiir Waran-
cadde ka daggan yahay Magaalada
Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Ilaalada Wasiirka iyo ninka hubeysan,
ayaa Rasaas culus is-dhaafsaday, taasoo
Soctay illaa xilligii cishaha ee caawa
waxaana ciidanka booliiska oo goobta
gaaray ay sheegeen inaysan rasaastaasi
sababin wax khasaare nafeed ah.

Ruuxan weeraray guriga Wasiirka, ayaa
la sheegay inay xigto ahaayeen wasiirka,
Waxaana Weerarkiisan uu salka ku
hayay sida uu baahiyay TV-ga Horn
Cable – Khliaaf u dhexeeyay Wasiir
Waran-cadde iyo ninkan ilaalada
beertiisa ka mid ahaa.

Saraakiisha ciidanka booliska
Somaliland ayaa sheegay in ninka
hubeysan weeraray guriga Wasiirka uu
goobta ka baxsaday, iyadoo Wasiirka
Arrimaha Gudaha – uusan weli ka hadlin
sababta keentay in la weeraro gurigiisa.
Ugu dambeyn, Ciidanka booliska Ayaa
sheegay inay baadi-goob ku hayaan
ninka weeraray guriga wasiirka, iyadoo
falkan uu noqonayo kii u horreeyay
noociisa oo waqti Afur ah lagu qaado
guri uu daggan yahay mas’uul ka tirsan
xukuumadda Somaliland.
warsom2011@gmail.com
salaam bankbeco2tabarak234