Puntland Oo Xukun Dil Ah Ku Ridey 43 Kamid Ah Al-shabaab Oo Dagaal Lagu Soo Qabtey

0
509

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maalintii Khamiista xukun dil ku riday 43 kamid ah Al-shabaabtii lagu soo qabtay dagaalkii Suuj iyo aaga Garacad.

Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdullaahi Ciise Xirsi oo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay xukumeen 43 ka tirsan maxaabiista Alshabaab, isagoo tilmaamay in kuwa la xukumay ay yihiin ragg waaweyn.

Cabdullahi ayaa xusay inay hareen 54 kamid ha maxaabiistii oo sheegtay da’ yar, wuxuuna tilmaamay inay baaritaan wadeen mudo markii dambe ay xukumeen 43-da.

Maxaabiistan lagu soo qabtey dagaalka ayaa lagu qaadey xukunka argaggixisada ee maxkmadda ciidamada qalabka, sida waxaana lagu soo oogey in ay ahaayeen al-Shabaab kuwaas oo duulaan ku soo qaadey Puntland.

Xeer ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in dowladdu u qabatay qareeno udoodayey, oo dhowr jeer maxkamadda la hor keenay.
Balse Saxaafada ayaan loo ogolayn maxkamada militariga ee dacwada ka socotay.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in rafcaan u furan yahay kuwa dilka lagu xukumey, go’aanka u danbeeyana uu leeyahay Madaxweynaha Puntland.