Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka Oo Ka Soo Horjeeystay Guddiga Doorashooyinka Uu Madaxweynaha Magacaabay

0
541

Xisbiyada Siyaasadeed Ee ka Dhisan Dalka Somalia Ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia ayaa eedeeyn kulul waxa ay ugu jeediyeen Madaxweynaha Dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbiyada ayaa sidoo kale ka soo horjeeystay Guddiga Doorashooyinka Dalka Kaasi uu Magacaabay Madaxweynaha Somalia.

Xisbiyada Ayaa Sheegay in Madaxweynaha Somalia uu Magacaabay guddiyo ay isku xisbi yihiin islamarkaasina uu doonayo in uu marooqsado Doorashada Dalka.

Xisbiyadaasi Maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho Ayaa waxaa kamid ah Xisbiga Kulan.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbigaasi Cali Maxamed Nuux Timajilic Ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu hadda adeegsanayo awoodiisa islamarkaasina uu doonayo in uu markale Dib u soo laabto.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Dhowaan magacaabay Guddiga Doorashooyinka Dalka Waxaana ka soo dhax muuqday Xubno katirsan wasiirada Xukuumada Somalia.