Afhayeenka Baarlamanka Federaalka Maxamed Jawaari Oo Baydhabo Lagu Soo Dhaweeyey

0
545

Gudoomiye Jawaari iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxa garoonka diyaaradha Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Safarka Afhayeenka Baarlamaanka ayaa la xiriira shirka maalinta Isniinta ah ka furmaya magaalada Baydhabo kaas oo ay isugu imaanayaan madasha Hoggaanka sare ee Qaranka, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada.

Waxaa magaalada Baydhabo laga dareemayaa diyaar garowga shirka, waxaana la adkeeyey amaanka dadka magaalada gelaya ama ka baxaya ayaana si weyn loo baaraayaa.

Waxaa jira dedaalo ay wadaan Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Prof, Jawaari oo ku aadan in wax laga beddelo heshiiskii 12 Abril ay madashu gaartey, waxaana si weyn uga soo horjeeda in wax is-beddel ah lagu sameeyo Raysalwasaaraha Soomaaliya oo maanta laga sugaayo in uu ka suu duulo dalka Imaaraadka Carabta.pjawaari1-740x506