Maanta oo ku beegneyd maalinta loo asteeyey Caruurta Africa/sidee ku noolyihiin?.

0
558

)-Maanta
ayaa waxaa caalamka oo idil looga
dabbaal dagayaa maalinta caruurta
Afrika.
Maalin walba oo taariikhdu ku beegan
tahay 16ka Juun sanad walba waxaa loo
dabbaal dagaa maalintaa oo looga hadlo
baahiyaha iyo guulaha carruurta Afrika.
Maalintaan ayaa waxaa loo dabbaal
dagaayay tan iyo sanadkii 1991 markaas
oo uu ururka midowga Afrika ee OAU/AU
uu ansixiyay.
Waxaa gaar ahaan lagu sharfaa
carruurtii ka qeyb qaadatay Kacdoonkii
xaafada Soweto ee Johannesburg, Koofur
Afrika oo dhacay 1976 maalintaan oo
kale.
Waxaa sidoo kale sare loogu qaadaa
wacyi ku aaddan horumarinta dhanka
waxbarashada ah ee carruurta
Afrikaanka ah.

Kacdoonkii xaafada Soweto ayaa waxaa
la xasuustaa in qiyaastii 10 kun oo arday
Afrikaan madow ah ay ku dibad baxeen
waddooyinka Johannesburg ayagoo
qabsaday ilaa nus mayl isla markaana ka
mudaaharaadayay xaalad liidatay
waxbarasho oo soo food saadhay.

Waxay sidoo kale kasoo horjeedeen in
luuqada caddaanka ee Afrikaaniska wax
lagu baro ee taa baddalkeedii
luuqadooda wax ay ku bartaan.

Biliiska dalkaa ayaa dabadeed xabad
dhacay in badan oo ardaydaas ah isla
markaana waxaa halkaa ku wafaaday
boqolaal ardaydaa ah ayadoo dawladii
xilligaa halkaa ka talinaysay ay ahayd
mid ay sutida u hayeen caddaanka
tirada yar ee dalkaa kunool.