Mandheera iyo Beledxaawo xadka u dhaxeeya oo saaka xiran/waa maxey sababtu?.

0
669

-Dawlada
Kenya ayaa xidhay xadka u dhexeeya
Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan xadka
u dhexeeya labada magaalo ee
mataanaha ah ee Mandheera oo dhanka
Kenya ah iyo Balad Xaawo oo dhanka
Soomaaliya ah.
Labadaa magaalo oo la dhihi karo waa
ay isku milmeen ayadoo wax u dhexeeya
oo dhul ah uusan jirin irid laisaga gudbo
maahee ayaa hadana waxaa dawlada
Kenya ay dhankeeda soo dhoobtay askar
sida uu warbaahinta u sheegay
maamulka Balad Xaawo Soomaaliya.
Balad Xaawo ayaa caadiyan waxaa
arday badan oo daggan ay wax ka
bartaan ama ka diiwaan gashan yihiin
iskoolada magaalada Mandheera.
Ardaydaas ayaa tiradooda lagu qiyaasaa
ugu yaraan 4 kun.
Haatan oo xadku uu xiran yahay ayaa
waxaan usuurta galayn ardaydaas inay
wax barasho u tagaan Mandheera oo ay
awal subax waliba ku kalihi jireen.
Intaa wax ka badan ayaa labada
magaalo isaga darsan ayadoo weliba
dhanka Balad Xaawo ay raashinka
intiisa badan ay isticmaalaan reer
Mandheera ay halkaas u soo doontaan
ayadoo la ogsoon yahay in Soomaaliya
dakado badan oo si sahlan wax looga soo
dajiyo ay leedahay.
Raashinka laga soo dajiyo dekadaha
Soomaaliya gaar ahaan dakada Xamar
ayaa marka loo wado Kenya waxaa lasoo
mariyaa Balad Xaawo halkaas oo
bakhaaro waaweyn ay ku yaalaan oo
raashinka lagu hakiyo ka hor inta aan
loo gudbin Mandheera.
Sidaa daraadeed, waxaa la dhihi karaa
Balad Xaawo waa dakad qalalan (dry
port) oo lasii mariyo alaabada loo soo
wado Kenya.
Raashinka dadka reer Mandheera uga
yimaada dhanka Soomaaliya ayaa
hadaba waxaa ka mid ah sonkorta iyo
weliba bagaashka noocyadiisa kala
duwan.