Kenyaan lagu eedeeyey Basaasnimo oo Al-shabaab ku toogteen degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

0
662
Somali Militia of Al-Shabab seen during exercises at their military training camp outside Mogadishu Tuesday Nov. 4, 2008. The armed wing of the former ruling Islamic Courts in Somalia, Al-Shabab is a powerful resurgent group and has been fighting foreign troops in the country since early 2007. Al-Shabab is named as a terrorist organization by United States of America. (AP Photo(AP Photo)

— Al-shabaab, ayaa Jimcihii shalay toogasho ku dilay laba nin oo Keenyaan ah, kuwaasoo ay Jaajuusnimo ku eedeysay, waxaana lagu Toogtay fagaare ku yaalla bartamaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Labadaan ruux ee Kenyaanka ah ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray; Jared Mokae Omambia oo 31-jir ahaa, kana soo jeeday gobolka Galbeedka Kenya ee Eldoret iyo C/llaahi Abdulmajid Faraj oo 22-jir ahaa, oo isagana kasoo jeeday Gobolka Bariga Kenya ku yaalla ee Mombasa.

Mid ka mid ah labadan ruux ayay Al-shabaab ku eedeysay inuu ahaa Jaajuus si aad u dhow ula shaqeyn jiray; Sidoonnada Waddamada Kenya, Britain, Mareykanka iyo Israa’iil, halka ruuxa kalena lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka Kenya oo keliya.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in labadan ruux ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, inkastoo Kooxdu aysan sheegin inay ka Tirsanaayeen iyo in kale, iyadoo labadaan Kenyaanka ah ay ka mid noqonayaa Keenyaan ay Al-shabaab horay sidaan oo kale ugu dishay Jubbooyinka, kuwaasoo ay ku eedeysay Basaasnimo.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sidan oo kale shalay ugu dishay gobolka Bay ee Koonfurta Somalia Afar Ruux oo Soomaali ahaa, kuwaas oo mid ka mid ah la Gawracay, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka Dambeeyay dilkii Hoggaamiyihii Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Sh.Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Warsom2011@gmail.com