
Ciidamada Booliska iyo ciidamo kale oo si gaar ah u tababaran ayaa habeenadan waxey hawl galo amniga lagu xoojinayo waxey ka hayaan isgoysyada iyo jidadka magaalada Muqdisho.
Sanad kasta marka lagaaro bisha barakeysan ee ramadaan ayaa waxaa xoogeysta weerarada ay al-shabaab ka geystaan gudaha Soomaaliya waxaana iyadoo laga gaashaamanayo uu maamulka gobolka Banaadir adkeeyey sugidda amniga caasimadda muqdisho.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii weerar lagu qaadey Hottel Ambassador oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho lamana oga halka ay soomareen iyo goobta laga soo abaabuleyba mana jirto cid qaadatey masuuliyadda dayacaadda amni ama xitaa wax laga weydiiyey waana arrin reebtey murugo fara badan oo aan la xisaabtan laheyn.
Warsom2011@gmail.com




