Xerada Qaxootiga DHadhaab oo maanta ay soo gaareen wafti ka socda Hey’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Qaxootiga UNHCR.

0
670

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa booqasho ku tagay  wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska UNHCR ee Soomaaliya.   Wafdigaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la qaatay qaar kamid ah dadkii dhawaan socdaalka indha indhenta ah ku tagay  qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaas ayaa warbixin kooban waxay dadka halkaasi kusugan kasiiyeen waxyaabihii ay soo arkeen intii ay joogeen dalka Soomaaliya waxayna markii dambe kulamo la qaateen hogaamiyeyaasha xeryaha Dhadhaab.

Kulankan oo ay wafdigaa la qaateen hoggaamiyeyaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxay ka wareysteen xaaladaha  xeryaha qaxootiga ee Dhadaab  iyo sida ay u arkaan go’aankii dhawaan kasoo baxay dowlada dalka Kenya  ee ahaa in xeryaha albaabada loo laabi doono, waxayna hoggaamiyeyaashu sheegeen in dadka qaxootiga ah arintaas ay ucuntami la’dahay islamarkaana aysan ku qancsaneyn.

Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Kenya ay ka dhawaajisay inay xireyso ama albaabada u laabeyso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma kuwaasoo ay kunool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya boqolaal kun oo halkaa imaanayay tan iyo 1991 markii dagaalka sokeeye uu ka bilowday Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

beco2salaam bankttara