Barnaamijka shaqo abuurka dhalinta ee Mirco-dahab oo ay maalgeliso shirkadda dahabshiil ayaa waxaa maanta ka faa’ideystay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Kismaayo oo la yimid mashaariic ay doonayeen in loo maalgeliyo.
Barnaamijkan oo magaalada Kismaayo laga daahfuray 19-ka Bishii May, 2015 ayaa waxaa soo codsaday dhalinyaro gaareeysa ilaa 200, waxaana laga xushay 20 kamid ah oo la yimid qorshe shaqo oo macquul ah, kuwaa oo ay tababar la xiriira ganacsiga siisay hay’adda shaqadoon oo caawisa dhalinta.
Maanta ayaa waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay munaasibad lagu maalgelinayo 7 kamid ah 20-ka dhalinyarta ee qorshaha shaqo la timid, waxaana la gudoonsiiyay dhaqaalaha ay soo gudbiyeen in uu ku baxayo qorshaha shaqo ee ay la yimaadeen.
Munaasibad ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka socotay degmada Kismaayo, xubno ka socday rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland ee JCCI, ururrada haweenka, dhalinyarada iyo marti sharaf kale.
Siciid Cawil oo ka tirsan masuuliyiiinta Barnaamijka Micro-Dahab ayaa sheegay in dhalinyarta la maalgeliyay ay la yimaadeen qorsheyaal shaqo, isagoo sheegay in laga doonayo in ay dardar geliyaan howlahooda islamarkaana hore usii socdaan si ay noloshooda heer uga gaaraan.
Cumar Xasan Nuur, Wakiilka hay’adda Shaqadoon u fadhiya Jubaland ayaa sheegay in dhalinyarta ay siiyaan tababarr la xiriira ganacsiga, islamarkaana ay garab taagnaan doonaan, kuna caawin doonaan talooyin la xiriira ganacsiga islamarkaana u fududeyn doonaan in ay ku xiraan ganacsatada qibradda dheer u leh howlaha ganacsiga.
Dhalinyartii la gudoonsiiyay dhaqaalihii ay u baahnaayeen si ay ganacsigooda u socodsiiyaan ayaa mahadcelin u jeediyay barnaamijka Micro-Dahab, ayagoo sheegay in mashruucani yahay mid ay ka faa’ideysan karaan dadka aqoonta iyo qibradda u leh ganacsiga islamarkaana doonaya in ay horumar gaaraan balse aan dhaqaalaha heeysan.








